Nin ka soo goystay Shabaab oo lagu soo bandhigay Xudur

Ninkan oo lagu magacaabo Saciid Moogow Maadey ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Hay'adda Nabad Sugidda ee ka hawlgala Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Saraakiisha Nabad Sugidda ayaa soo bandhigay Saciid Moogow, oo muddo dhowr sano ah ka barbar dagaalamayay maleeshiyada Al Shabaab, haatana garowsaday inaanu ka sii mid ahaanin.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in ninkan uu ahaa gacanta midig ee horjooge Cabdiraxmaan Garweyne, kaas oo ay sheegtay in Ururka Al Shabaab uu u qaabilsan yahay maleeshiyada Gobolka Hiiraan.

Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa soo badanayay xubnaha Shabaabka ah ee isu soo dhiibaya Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolada Koonfurta & Bartamaha.

Isniintii ayay ahayd, markii 10 xubnood oo sida la sheegay ka soo goystay Al Shabaab lagu soo bandhigay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.