Nin ku shaqeysanayay dokumentiyo been abuur ah oo lagu qabtay Muqdisho

Ciidamada amniga ayaa Duhurnimadii maanta gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay inuu ku shaqeysanayay dokumentiyo been abuur ah.
Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Dharkiinley ayaa gacanta ku soo dhigay ninkan, iyagoona lala soo qabtay dokumenti uu watay.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dokumentiyada loo ekeysiiyay kuwa dowladda ugu adeegto shacabka.
Warka ayaa lagu sheegay in eedeysanuhu uu bulshada lacago sharci darro ah kaga bedelanayay dokumentiyadaasi.
Talisku ma sheegin magaca ninkaasi oo lagu soo bandhigay Saldhigga Degmada Dharkiinley, balse la horgayn doono sharciga, si caddaaladda uu u wajaho.
Dokumentiyada been abuurka ayaa la fahamsan yahay in ay ku badan yihiin suuqyada magaalada, inkastoo sanadihii ugu dambeeyay aad mooddo inay soo yaraanayeen.


