Nin la sheegay inuu dil ka gaystay Muqdisho oo lagu qabtay Kismaayo

Ciidanka amniga Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qabtay ninkan oo lagu eedeeyay inuu dil ka gaystay Magaalada Muqdisho, isla-markaana uu ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay.
Ninkan oo maanta dib loogu celiyay Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan.
Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in eedeysanaha loo haysto dil 4-tii bishan qof shacab ah loogu gaystay Degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Carwo Alkowthar.
"Eedeysanaha ayaa waxaa ku socota baaris, waxaana la waafajin doonnaa caddaaladda, hadduu Alle idmo." Ayaa lagu yiri qoraalka.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa dhawaan in nin kasta oo dil ka gaysta dalka aanu ku baxsan dalka gudihiisa, isla-markaana ay wada shaqayn buuxdo leeyihiin Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.


