Nin lagu toogtay fagaare ku yaala Degmada Baraawe
Maxkamadda Gobolka Shabellaha Hoose ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Maxamed Aadan Isaaq, maalin uun ka dib, markii dil toogasho lagu xukumay.
Maxkamadda ayaa ninkan ku heshay in uu dilay marxuum Sadiiq Ibraahim Axmed, iyadoona maxkamadeyntiisu ay ka dhacday Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Maxamed Aadan Isaaq ayaa waxaa lagu toogtay fagaare ku yaala duleedka Baraawe, halkaas oo dadweyne fara-badan ay isugu soo baxeen, si ay u daawadaan qaabka loo tooganayo ninkaasi.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Koonfur Galbeed, Aadan Mukhtaar Suuri ayaa laga soo xigtay in xukunka dilka ee lagu fuliyay Maxamed Aadan Isaaq uu yahay qisaastii marxuum Sadiiq Ibraahim Axmed.






