Nin Saxafi ah oo lagu xiray Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wariye Maxamed Ibraahim Bulbul lagu xiray magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysnaa ay Wariyaha ka kaxeysteen Jaamacadda Muqdisho, oo uu wax ka baranayay.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in raggaasi oo ku labisnaa dharka shibilka ay jirdileen Wariyaha, ka hor intii aanay goobta ka kaxeysan.
Mar dambe ayaa la ogaaday in Maxamed Ibraahim Bulbul uu ku xiran yahay Xarunta Hay'adda Dembi Baarista ee CID, oo ku taala agagaarka Isgoyska KM4.
Ma cadda waxa lagu haysto Saxafiga, mana jirto wax war ah oo laamaha amniga ay ka soo saareen xariggiisa.
Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa si kulul u cambaareeyay xariggiisa. Ururka ayaa ku baaqay in si degdeg ah dib xorriyaddiisa loogu siiyo Wariye Bulbul.
Bulbul ayaa ahaa Xoghayaha Warfaafinta & Xuquuqul Insaanka ee Ururka Saxafiyiinta ee SJS.
Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in Saxafiga dib loogu siiyo xorriyaddiisa.
Somaliya waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo. Saxafiyiinta ayaana dalka loogu gaystaa handadaad, jirdil, xarig iyo dil.
Dhinacyada ugu tunka weyn ee dalka ayaa loo tiriyaa in ay ka masuul yihiin tacadiyada ka dhanka ah Wariyeyaasha.


