NISA oo ka warbixisay duqaymo laga fuliyay Gobolka Shabellaha Dhexe

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidankeeda oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ay fuliyeen weeraro xagga cirka ah, oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Hay'adda NISA ayaa sheegtay in hawlgalo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Guulane ee Gobolka Shabellaha Dhexe lagu dilay in ka badan 33 xubnood oo maleeshiyada Al Shabaab ah iyo in sidoo kale lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah iyo xarumo ay gabaad ka dhiganayeen maleeshiyadaasi.

NISA ayaa warsaxaafadeed ay caawa soo saartay ku sheegtay in hawlgalka koowaad lagu bartilmaameedsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab, halkaasna lagu dilay 15 xubnood iyo in lagu burburiyay gurigii ay ku sugnaayeen.

"Sidoo kale, hawlgalo is xigxigay oo lagu beegsaday maleeshiyaad ku dhuumaaleysanayay deegaanka Guulane ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 18 dhagarqabe, waxaana lagu gubay gaari Cabdi Bile ah, oo ay u adeegsanayeen daabulka iyo dhaqdhaqaaqa maleeshiyaadka, taas oo si buuxda u fashilisay abaabulkii ay wadeen." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay "Hawlgaladan ayaa yimid, ka dib markii Sirdoonka Qaranku xaqiijiyay in maleeshiyaad gaaraya 90 xubnood lagu uruuriyay deegaanka si loogu adeegsado falal amniga lid ku ah, waxaana taas xigay tallaabooyin qorsheysan oo lagu wiiqay halistii Khawaarijta."

NISA ayaan sheegin goorta weeraradan laga fuliyay deegaankaasi, waxaase jiray duqaymo culus oo habeen hore ay diyaaradaha dagaalka ka gaysteen Guulane oo ka tirsan Degmada Aadan Yabaal.

NISA ayaa soo uruurisa xogaha maleeshiyada iyo horjoogeyaasha Al Shabaab, ka hor inta aan hawlgalada hawada la qaadin, iyadoona xogaheeda ay ku tiirsan yihiin Saraakiisha Mareykanka iyo Turkiga oo aalaaba Dowladda Federaalka ka taageera weerarada meelaha aysan gacanteedu gaari karin.