NISA oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay shabakad argagixiso oo ka kooban 11 xubnood

Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay shabakad argagixiso oo ka kooban 11 xubnood.

Hay'adda NISA ayaa war ay saaka soo saartay ku sheegtay in xubnahan ay ku howlanaayeen falal argagixiso, isla-markaana ay ku dhuumaaleysanayeen Magaalada Muqdisho iyo deegaano ka tirsan Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe.

Warka ayaa lagu sheegay in xubnahan loo soo abaabulay inay fuliyaan weeraro argagixiso, basaasnimo iyo inay isku dhex qarin karaan shacabka.

NISA ayaa sheegeysa in ciidamadeeda oo xogta xubnahaasi hayay ay mid mid gacanta u soo qabteen, xilli qaarkood ay gacanta kula jireen dembiyo argagixiso.

NISA ayaa warka ku xustay in xubnahaasi loo gudbin doono hay'adaha ku shaqada leh, si looga qaado tallaabada ku habboon.

NISA ayaan sheegin goorta gacanta lagu soo dhigay xubnahaasi iyo cidda dhabta ah ee ay ka tirsan yihiin, marka laga soo tago in ay Khawaarij yihiin. Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa Khawaarijta u tixgeliya maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish.

Waxay u badan tahay in xubnahan ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab, maadaama kuwa Daacish aysan si muuqan u joogin Gobolada Koonfurta & Bartamaha. Daacishta Somaliya ayaa la ogyahay in ay keliya ka dagaalanto Gobolka Bari ee Puntland.

Warka NISA ayaa u qornaa:-

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah oo ka kooban illaa 11 dhagarqabe, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso, isla-markaana ku dhuumaaleysanayay Muqdisho iyo deegaano ka tirsan Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe.

Dhagar-qabeyaashan ayay Khawaarijtu u soo diyaariyeen inay fuliyaan shirqoolo argagixiso, basaasnimo iyo inay isku dhex qarin karaan shacabka. Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo hayay xogtooda oo dhameystiran ayaa mid mid u soo qabtay, xilli ay qaarkood gacanta kula jireen fal dembiyeedyo argagixiso.

Xubnahan Khawaarijta ah ayaa loo gudbin doonnaa hay’adaha ku shaqada leh, si looga qaado tallaabada ku habboon.