NISA oo sheegtay in la beegsaday horjooeyaal Shabaab oo shir u fadhiyay

Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in hawlgal gaar ah oo laga fuliyay deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabellaha Dhexe lagu beegsaday horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab.

NISA ayaa waxay sheegtay in saraakiishaasi la beegsaday, xilli ay u fadhiliyeen shir ay ku qorsheynayeen, sidii ay u dhibaatayn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.

"Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa hawlgal gaar ah oo lagu beegsaday horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay tuulada Maxaa Saciid ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Weerarka ayaa dhacay xilli dhagarqabeyaashu ay u fadhiyeen shir ay ku maleegayeen, sidii ay u dhibaatayn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed." Ayaa lagu yiri qoraal Sabtidan lagu daabacay barta NISA ee Twitter-ka.

NISA ayaan bixin tafaasiil ku saabsan, sida uu weerarka u dhacay iyo magacyada horjoogeyaasha Al Shabaab ee la beegsaday, waxayse dadka u sheegtay in ay la socdaan faah faahinta weerarkan.

Weerarkan ayaa u muuqdo in uu ahaa hawlgalka xagga cirka ah, marka aad eegto in ciidamadu ay ka durugsan yihiin deegaanka Maxaa Saciid oo hoostaga Degmada Cadale.

Deegaankan ayaa ka mid ah deegaanadii Gobolka Shabellaha Dhexe ee sanadkii hore ay isku soo fidiyeen maleeshiyada Al Shabaab.

Gobolka ayaa waxaa haatan ka socdo dhaqdhaqaaq xoog leh, kaasoo lagu doonayo in lagu qabto deegaanadii ay lumiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley.