Odayaasha Dhaqanka oo ka horyimid shirka Kismaayo

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ka horyimid shirka isbahaysiga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay ku yeelanayaan Magaalada Kismaayo.
Odayaasha Dhaqanka oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow ka soo saaray qodobo ay qaybtood ku bogaadinayaan dadaalada Dowladda Federaalka ay dalka ku gaarsiineyso doorashada tooska ee qofka iyo codka ah, oo ay ugu horreyso Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ee 25-ka bishan ka dhaceysa Muqdisho.
"Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed waxa ay ka digayaan in shacabka Soomaaliyeed laga marin habaabiyo hubinta toosan ee horumarka ay ku taagan yihiin, uguna horreyso doorashada tooska ah, gaar ahaan shacabka caasimadda, waxayna muwaadiniinta kala mid yihiin xuquuqda siyaasadeed ee ay helaan, oo ay ka mid tahay doorashada qof iyo codka ah." Ayaa lagu yiri bayaanka ay Odayaasha Dhaqanka soo saareen.
Odayaasha Dhaqanka ayaa walaac ka muujiyay in iyadoo dalka ay ka jirto dowlad sharciyad leh ay jiraan shirar laga abaabulayo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, oo ay sheegeen inay u arkaan kuwo lagu hagardaameynayo dalka.
"Iyadoo dalka ay ka jirto dowlad haysata sharciyad iyo muddo xileed sharci ah, Odayaasha Dhaqanku waxa ay aad iyo aad uga xun yihiin in qaybo ka mid ah dalka iyo dibadda laga abaabulo shirar kala duwan, oo ay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed u arkaan in lagu hagardaameynayo dalka Soomaaliyeed, looguna adeegayo gacmo shisheeye oo diidan horumarka dalka iyo dadka." Ayaa lagu yiri bayaanka.
Odayaasha Dhaqanka ayaa ugu dambayn bayaankooda baaq ugu diray Beesha Caalamka ee taageerta Somaliya, si loo xoojiyo dowlad dhiska dalka iyo guulihii laga gaaray horu-socodka dalka.
"Ugu dambayn Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed waxa ay bogaadin iyo mahadnaq u dirayaan Beesha Caalamka ee taageerto Somaliya, waxayna Odayaasha Dhaqanka ay xoojinayaan farriintooda dowlad dhiska dalka iyo horumarka xuquuqda in la sii xoojiyo, si loo sii adkeeyo guulaha dalka ku tallaabsaday." Ayaa lagu soo geba-gabeeyay bayaanka Odayaasha Dhaqanka.
Odayaasha Dhaqanka ee ku kulmay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jira qaar ka mid ah oo Jubbaland ay ku soo martiqaadday shirkan.


