Odayaasha Laascaanood oo beeniyay eedeymo uu Madaxweyne Biixi u jeediyay Puntland

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sool ee ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa beeniyay in Ciidamada Puntland ay ku lug leeyihiin dagaalka muddada saddexda bilood ku dhow ee ka soconaya magaaladaasi.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa eedeyntaasi u jeediyay Puntland, xilli uu muuqaalka fogaan aragga kaga qaybgelayay shir uu la lahaa Wakiilada Beesha Caalamka.

Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug), Afhayeenka Guddiga 33-ka Oday Dhaqameed ee reer Laascaanood ayaa si adag u beeniyay in Ciidamada Puntland ay qayb ka yihiin dagaalka magaalada.

"Wuxuu dembi saarayaa oo aanay qabin Puntland, oo uu leeyahay Ciidanka Puntland ama Puntland ayaa dagaalka ku jirta ee haka baxdo, taasina wax jira ma'aha oo Puntland dagaalka ku jirto ma jirto." Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaase qiray inay jiraan maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda Puntland oo ku sugan Magaalada Laascaanood, kuna gacan siinaya dagaalkan ay kala horjeedaan Ciidamada Somaliland.

Mar uu ka hadlayay xaaladda magaalada ayuu sheegay in Laascaanood ay ku jirto xaalad hubinti la'aan ah, isla-markaana aan magaalada lagu tirin karin goob ay nabadgelyo ka jirto.

"Xaaladda Laascaanood, maanta iyo maalmihii hore wax badanoo ay ku kala bedelan tahay ma jirto. Laba marxaladood bay martaa, waa maalin duulaan & weerar uu socdo iyo maalin madaafiicdii lagu garaacayo magaalada. Marka hadda muddo illaa iyo saddex iyo toban cisho ah hoobiyeyaashaas ayaa soconayay." Ayuu yiri Falaalug.

Falaalug ayaa intaasi ku daray "Magaalada Laascaanood xaalad hubinti la'aaneed bay ku jirtaa saacad walba, meel nabadgelyo lagu xisaabin karo ma'aha."

Ciidamada Somaliland iyo xoogaga deegaanka ayaa tan iyo 6-dii bishii February ku dagaalamayay Magaalada Laascaanood iyo daafaheedaba.