Puntland oo amartay in la soo xiro xubno uu ka mid yahay Xasan Shire Abgaal
.jpg)
Maxkamadda Sare Puntland ayaa amar ku bixisay in la soo xiro masuuliyiin horey xilal kala duwan uga soo qabtay Maamulka Puntland.
Maxkamadda ayaa xubnahan ku eedeysay in ay ku lug leeyihiin iska horimaadkii hubeysnaa ee habeen hore ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe. Iska horimaadka ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay, ka dib markii ciidan ka amar qaata siyaasiyiintaasi ay jidka u galeen ciidan sanaadiiq doorasho u waday Gobolada Bari, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag, si ay dadkii is diiwaangeliyay ugu codeeyaan.
Siyaasiyiintan ayaa ka mid ah daneeyeyaasha siyaasadda Puntland ee ka horyimid hannaanka geeddi-socodka Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dhaceysa 25-ka bishan.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland, Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) ayaa sheegay inay hayaan waaran lagu soo qabanayo afartaasi nin, oo uu ka mid yahay Xasan Shire Cabdi (Abgaal), Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland.
"Markii boolisku ay dhacdadaasi baareen, waxay soo ogaadeen dembiyada dhacay inay ka masuul ahaayeen afar nin inay hoggaamiyeyaal u ahaayeen." Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland.
Xeer Ilaaliyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa yiri "Maxkamadda waxay soo saartay amar soo qabasho oo ah afarta nin ee eedeysane, ee kala ah Khadar Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), Xasan Shire Cabdi (Abgaal), Maxamuud Warsame Faarax (Shido) iyo Maxamed Jaamac Faarax (Leysar). Wa Billaahi Towfiiq."
Amarkan ayaa imaanaya, xilli Odayaasha Dhaqanka iyo ganacsatada deegaanka ay wadeen waan-waan lagu kala qaadayo ciidamo isku horfadhiyo duleedka Magaalada Garoowe.
Dhanka kale howlihii shaqo ee Garoonka Diyaaradaha General Maxamed Abshir ayaa mid caadiya ku soo laabatay, ka dib markii ay saameysay shaqaaqadii habeen hore.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa dalbanaya in la joojiyo doorashada lagu wado inay dhacdo daba-yaaqada bishan, taas oo sida ay sheegeen aan heshiis lagu ahayn, isla-markaana ay ka dhalan karto xaalad amni darro.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa ku adkeysanaya in doorashadaasi qofka iyo codka ah uu dastuurku xaq u siinayo, isla-markaana aanay cidina ka hor istaagi karin.


