Puntland oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadda Laascaanood

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa bidhaamiyay halka ay Puntland ka taagan tahay dagaalka, tan iyo 6-dii bishan ka socdo Magaalada Laascaanood.

Wasiirka ayaa marka hore meesha ka saaray eedeynta Somaliland, ee ah in Dowlad Goboleedka Puntland ay qayb ka tahay dagaalka Magaalada Laascaanood.

"Eedaha Somaliland aad bay u badnaayeen oo lama xisaabin karo, horey ayay Isimada ugu sheegeen argagixiso, horey ayay dadka shacabka ah oo ay marna yiraahdaan waa dadkayaga ugu sheegeen argagixiso. Marka eedahooda inaanay waxba ka jirin caalamka oo dhan baa bartay, dadka Soomaaliyeed oo dhan baa bartay, iyaga ayay ku kooban tahay eedooda, iyagaa afkooda marba dhinac u bedela, oo marna yiraahda dadku waa Al Shabaab, marna yiraahdaan waa federaalkii. Federaalka ayay ku eedeeyeen, Puntland bay ku eedeeyeen, Al Shabaab bay ku eedeeyeen, haddana waa dadkayagiiyoo khilaaf na dhex maray oo waanu heshiin karnaa bay yiraahdeen, Madaxweynahoodaa afkiisa ka yiri. Marka hadalkaas waa hadal aan waxba ka jirin oo iyaga ku kooban." Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiirka oo BBC la hadlay ayaa tilmaamay inaanay Puntland haba yaraatee wax lug ahi ku lahayn dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Wasiir Dirir ayaa dhanka kale iftiimiyay in mowqifka Puntland uu yahay in dadka reer SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn) loo ogolaado xuquuqdooda aasaasiga ah, lagana daayo dagaalka, isla-markaana ay Somaliland ka baxdo dhulka dadkaasi.

"Annaga mowqifkayaga waxaa weeye dadkaas Gobolada SSC ku nool in loo ogolaado xuquuqdooda aasaasiga ah, yacni oraneysa qofku inuu xaq u leeyahay inuu hadli karo oo dantiisa sheegan karo, ka tashan karo mustaqbalkiisa go'aana ka gaari karo. In dagaalka laga daayo dadkaas, Somaliland in dadkaa dhulkooda uga baxdo oo xorriyadooda u ogolaadaan, inay u nooladaan sida bani'aadamku u nool yahay inay u noolaadaan. Wixii iyagu ay doonayaan inay ka tashadaan, annagu mowqifkayagu waa kaa weeye." Ayuu yiri Wasiir Dirir.

Somaliland ayaa marar badan Puntland ku eedeysay in ay sii hurineyso xiisadda ka taagan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.