Puntland oo dil toogasho ku xukuntay 6 nin oo u dhashay dalka Morocco

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay lix nin oo u dhashay dalka Morocco, ka dib markii lagu helay in ay ka tirsan yihiin Ururka Daacish.

Maxkamadda ayaa sidoo kale min 10 sano oo xarig ah ku xukuntay laba nin oo midkood uu Soomaali yahay, halka kan kalena uu u dhashay dalka Itoobiya. Maxkamadda ayaana dib xorriyaddiisa u siisay nin kale oo Soomaali ah oo wax caddeymo ah lagu waayay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhammaan xubnaha la xukumay lagu helay in ay ka tirsan yihiin Xoogaga Daacishta Somaliya ee ka dagaalamaya Buuraleyda Gobolka Bari.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida & Dembiyada Culus 5ta Gobol ee Puntland, Maxamed Xuseen Foodcadde ayaa sheegay in raggaasi laga soo qabtay deegaan hoostagga Degmada Balidhidin ee Gobolka Bari, halkaas oo Daacish ay fariisimo ku leedahay.

Xeer Ilaaliyaha ayaa tilmaamay in ciidamadu ay marar kala duwan gacanta ku soo dhigeen lixda nin ee u dhashay dalka Morocco, muddo bil ku dhowna ay baaristoodu socotay.

"Waqtiyo kala duwan ayaa la soo qabtay oo mar saddex baa la soo qabtay, mar laba baa la qabtay, marna mid baa la qabtay, sidaas baa muddooyin kala duwan loo soo kala qabtay." Ayuu yiri Xeer Ilaaliye Foodcadde oo intaasi ku daray "Bil ku dhow ayay baaristoodu socotay, markii baarista soo geba-gabowdayna, sidaas ayaa loogu soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta."

Gudoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada ee 5ta Gobol, Korneyl Cali Ibraahim Cismaan ayaa sheegay in maamulku uu eedeysaneyaasha u qabtay qareeno difaaca, ka hor inta aysan maxkamadeyntoodu bilaaban, lana xukumin. 

Waaa tiradii ugu badneyd oo maxkamad ku taalo Puntland ay xukun dil ah ku xukunto ajaaniib lala xiriiriyay in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada.