Puntland oo soo saartay awaamiir ka dhan ah ajaaniibta, xilligan oo dagaal ay kula jirto Daacish
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay awaamiir si toos ah ugu socota dadka ajaaniibta ah ee imanaya deegaanadeeda, xilligan oo dagaal adag ay ciidamadeeda kula jiraan maleeshiyada Daacish oo dagaal-yahano shisheeye u badan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegtay in iyadoo xeerineysa nabadgelyada, badqabka dadka iyo hantidooda ay soo saareyso qodobadan oo dhowr qodob ka kooban.
Qodobadan oo xalay la soo saaray ayaa u qornaa:-
1. Iyada oo laga duulayo khataraha amni ee jira waxaa reeban inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn.
2. Waxaa la mamnuucay dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoran yihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda.
3. Waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si degdeg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya.
4. Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto.
5. Waxaa la mamnuucay ganacsiyada yar yar ee aan sharciyeysnayn ee suuqa lala wareego.
Amarkan ayaa ku soo aadaya, xilli Ciidamada Booliska Puntland ay habeen hore Magaalada Boosaaso ku dileen nin ajnabi ahaa, oo laamaha amniga ay sheegeen inuu aasayay qarax.
Ninkan ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dadka alaabaha wareejiya ee ku wareega suuqyada iyo xaafadaha, isagoo markaasi isku qarinaya, si aan loo ogaanin falalka ka baxsan amniga ee uu faraha kula jiray.
Ciidamada ayaa sidoo kale soo xiray nin kale oo Soomaali ah, kaas oo la sheegay in uu la socday ninkan ajnabiga ah oo ka tirsanaa maleeshiyada Daacish.
Booliska ayaa Sabtidii Magaalada Boosaaso ku soo bandhigay bambaanooyin iyo agab kale, oo sida la sheegay loo isticmaalo qaraxyada oo ciidamadu ay ka heleen guriga uu deganaa ninka ajnabiga ah ee la dilay.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, Korneyl Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo Warbaahinta la hadlay ayaa dadka reer Boosaaso u jeediyay digniin ka dhan ah la macaamilka dadka ajaaniibta ah.
"Runtii waxaan oran karnaa maanta, ajnabi Khawaarij ah iyo ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland baa dagaalamaya. Waxaan rabaa inaan iraahdo ummadda reer Puntland waxaa la idiinka baahan yahay in guryaha deriska idiin la ah iyo gudihiina aad si fiican oo adag u gashaan." Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray "Qof kasta oo qof ajnabi ah guri ka kireeyay oo gurigiisa uu degan yahay waan la xisaabtamaynaa, sababtoo ah qof ajnabi ah oo aan wax masuuliyad ah lahayn, ninkii guri ka kireystaa isagay u taallaa, ninkii gaarigiisa ku qaadana isagay u taallaa."
Puntland ayaa ku dhawaad muddo bil ah dagaal kula jirta maleeshiyada Daacish ee fariisimaha ku leh Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Hawlgalka ayaa si dardar leh waxa uu uga socdaa buuraha aagga bari, gaar ahaan deegaanada hoostaga Degmooyinka Iskushuban iyo Balidhidin, iyadoona aad mooddo in ciidamadu ay maleeshiyadaasi ugu tagayaan godadkooda.
Puntland ayaa u muuqato mid ka feejigan in ciidamadeeda jiidda ku maqan loo soo daba maro, taasoo aad ka garaneyso awaamiirta ay ku xakameynayso dhaqdhaqaaqa dadka ajaaniibta ah.






