Puntland oo xakameysay ciidamadii taabacsanaa Dowladda Federaalka ee la dagaalamay kuweeda

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa xakameeyay Ciidanka PSF ee taabacsan Dowladda Federaalka ee shalay galab uu iska horimaadka ku dhex maray deegaanka Laag ee duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadku uu ka dambeeyay, ka dib markii Ciidanka Daraawiishta ay ciidamo ka tirsan kuwa PSF ku wargeliyeen inay dib ugu laabtaan Magaalada Boosaaso oo ay ka soo baxeen, xilli sida la sheegay ay ku sii jeedeen dhinaca Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in khilaaf ka dhashay is mari-waa uu sababay iska horimaadka labada ciidan ku dhex maray deegaankaasi, oo uu ku dhintay askari ka tirsanaa Ciidanka PSF.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Dowlad Goboleedka Puntland ay xalay ciidamo fara-badan dul dhigtay Ciidanka PSF, taasna ay keentay in ugu dambayn ay ka tanaasulaan gaadiidkooda dagaalka.

Ciidanka PSF waa cutub gaar ah oo ka tirsan Ciidamada Puntland, kuwaas oo u tababaran la dagaalanka kooxaha argagixisada, waxayna muddooyinkii u dambeeyay ay ka amar qaadanayeen Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa 15-kii bishii June Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu wiiqayo amniga iyo xasilloonida deegaanada Puntland, halkaas oo uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka qoraneyso ciidamo lagu qalqalgelinayo ammaanka ka jira.

Guddiga Amniga Puntland ayaa 24-kii June soo saaray awaamiir lagu mamnuucayo dhaqdhaqaaqa baabuurta teknikada iyo in deegaanada Puntland aysan ka hawlgeli karin ciidamo aan ka amar qaadan maamulka.