Qaramada Midoobey oo Ergay cusub u soo magacawday Somaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Catriona Laing u magacaabay in ay noqoto Ergayga Gaarka Qaramada Midoobey ee Somaliya ahna Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Kaalmaynta Somaliya (UNSOM).
Haweeneydan oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa xilka kala wareegeysa Danjire James Swan, kaas oo u dhashay dalka Mareykanka, dhowrkii sano ee ugu dambeysayna ka hawlgalayay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Magaalada Muqdisho.
Catriona Laing oo muddo dheer ka soo shaqeyneysay Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa hadda ahayd Safiirka Ingiriiska ee dalka Nigeria, iyadoona uu waqtigeeda Safiirnimo ee dalkaasi kaga ekaa bishii hore ee April, ka dib tan iyo bishii November ee sanadkii 2018 oo ay dalkaasi ka hawlgaleysay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in haweeneydan ay leedahay 35 sano oo khibrad dhanka diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah.
Guterres ayaa sheegay in Catriona Laing ay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya ku soo kordhineyso waayo-aragnimadeeda muddada dheer, ee ay u leedahay diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga.
Xoghaye Guterres ayaa James Swan kaga mahadceliyay dadaalka iyo hufnaanta uu muujiyay, muddadii uu maamulayay Xafiiska UNSOM.
Xafiiska UNSOM ayaa Dowladda Federaalka ka taageera dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo gargaarka bani'aadanimo.


