Qaramada Midoobey oo ka digtay in Yemen ay gashay wejigii ugu darnaa ee dagaalka

Hans Grundberg, oo ah Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen ayaa ka digay in Yemen ay wajaheyso khatartii ugu darneyd ee dagaal, tan iyo xabad joojintii lagu heshiiyay sanadkii 2022.

Xoogaga Xuutiyiinta oo weeraro ba'an ku haya Ciidamada Dowladda Yemen ee Sacuudiga uu taageero ayaa wada guluf ay isugu fidinayaan deegaanada ku teedsan xeebaha galbeed ee dalkaasi.

Hans Grundberg ayaa Xuutiyiinta ugu baaqay inay joojiyaan weerarada ay ka wadaan Yemen iyo kuwa ay ku qaadayaan dhulka Sacuudiga.

Mr. Grundberg ayaa ururka reer Yemen ku booriyay inay soo afjaraan weerarada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku gooshaya Badda Cas.

Grundberg oo xalay ka hadlayay kulan ay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesheen xaaladda dalkaasi ayaa sheegay in digniintii uu horey u bixiyay ay hadda isu bedeshay xaqiiqo adag.

"Yemen ayaa gashay wejigii ugu darnaa, uguna khatarta badnaa ee dagaalka, tan iyo xabad joojintii ay Qaramada Midoobey ka soo shaqeysay ee la gaaray 2022." Ayuu yiri Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen.

Kororkan ayuu sheegay in uu halis gelinayo nolosha dadka rayidka ah, xasilloonida gobolka iyo maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee maraya Badda Cas iyo Marinka Bab El-Mandeb.

Boqolaal qof oo shacab ay ku jiraan ayaa la sheegay inay dhinteen, kumanaan kalena ay dhaawacmeen ama barakaceen, ka dib markii Xoogaga Xuutiyiinta ay toddobaad ka hor qaadeen weerar ballaaran oo ka dhan ah dhulka ay dowladdu ka maamusho Koonfur Galbeed Yemen.

Xuutiyiinta ayaa Khamiistii si buuxda ula wareegay magaalada dekedda leh ee Mokha, oo qiyaastii 75km dhanka waqooyi uga beegan marin biyoodka Bab El-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Marinkan ayaa ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah maraakiibta shidaalka iyo kuwa shixnadaha badeecadaha ee isugu kala goosha Asia, Yurub iyo Bariga Afrika.

Carqaladaynta Bab El-Mandeb ayaa sii yareynaysa sahayda tamarta adduunka, xilli Iran ay horey u xirtay marin biyoodka dhinaca kale ku yaala ee Hormuz.

Dhibaatada bani'aadantinimo ee Yemen ayaa sii xumaaneysa, iyadoo in ka badan 22 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar, halka 18 milyan ay wajahayaan xaalad cunto xumo oo daran, sida ay sheegeen Saraakiisha Qaramada Midoobey.

"Su'aasha hortaalla Beesha Caalamka hadda ma aha ma in dagaalka Yemen uu dib u bilaaban doono iyo in kale, balse waa sidii wax looga qaban lahaa marxalad cusub oo aad u khatar badan." Ayuu yiri Hans Grundberg, Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen.

Grundberg ayaa ku baaqay in sii wado dadaalada wadajirka ah, si loo xakameeyo buu yiri colaadda, loona helo waddada loo marayo xal siyaasadeed.