Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay xaaladda Koonfur Galbeed

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan ayaa sheegay in ay si dhow ula socdaan dhacdooyinka ka soo cusboonaaday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoona ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada lagu xaliyo wada hadal.

"UNTMIS waxay si dhow ula socotaa dhacdooyinka ka soo cusboonaaday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waa in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Somaliya iyo Dowlad Goboleedyada lagu xaliyaa wada hadal." Ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya oo warkan ku sheegay war qoraal ah oo caawa ka soo baxay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho.

James Swan oo ah Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNTMIS ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin saamaynta ay xiisadaha sii kordhaya ku yeelan karaan xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bani'aadantinimo ee dalka.

Mr. Swan ayaa ku baaqay in la isugu yimaado wada hadal mira-dhali kara, isla-markaana laga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaad hubeysan.

"Waxaan ka walaacsanahay saamaynta ay xiisadaha sii kordhaya ku yeelan karaan xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bani'aadantinimo ee Somaliya. Waxaan ku baaqaynaa in la isugu yimaado wada hadal miro-dhal ah, lagana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaad hubeysan." Ayaa lagu yiri warka.

Dowladda Somaliya ayaa si adag uga hortimid natiijada doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo ee dib loogu soo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa Kuxigeen.

Ciidanka Xoogga Dalka oo ay la socdaan ciidamo dadka deegaanka ah ayaa ku sii siqaya Baydhabo, iyadoona laga cabsi qabo inuu dagaal ka dhex qarxo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Cabdiraxmaan Maxamed Nishow oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay ku sugan yihiin deegaanka Deynuunaay oo 26km dhanka bari kaga beegan Baydhabo, isla-markaana ay ku sii socdaan magaalada.

Wariyeyaasha ka hawlgala Baydhabo ayaa soo sheegaya in Ciidanka Koonfur Galbeed ay adkeeyeen ammaanka kontoroolada laga soo galo magaaladaasi.

Xiisaddan oo si weyn looga dareemay magaalada ayaa dad badani ku khasabtay in ay isaga baxaan magaaladaasi.