Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay xiisadda siyaasadeed ee Somaliya

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya ayaa walaac ka muujiyay xiisadda siyaasadeed ee dalka ee ka dhalatay is mari-waagga Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ee xal u helidda khilaafka ka taagan nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto.
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan ayaa war uu maanta soo saaray marka hore labada dhinac ku amaanay dib u soo celinta wada hadaladooda, wuxuuse wax laga xumaado ku tilmaamay in wada hadaladu ay soo geba-gaboobeen iyadoo aan la xalin waxyaabihii asalka u ahaa khilaafkooda.
"Hawlgalka Qaramada Midoobey wuxuu xusayaa in dhinacyadu ay sheegeen inay ka go'an tahay sii wadidda wada hadalka iyo la aqoonsado wadiiqo wax dhisaya oo hore loogu socdo." Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska UNTMIS ee Magaalada Muqdisho.
"Maaddaama Somaliya ay gelayso marxalad kala guur ah, UNTMIS waxay rajeynaysaa in inta lagu jiro marxaladdan, Dowladda Federaalka Somaliya ay mudnaanta siin doonto ka qaybgalka dhamaan dhinacyada ay khuseyso, si loo dhiso is afgarad ku aaddan qaab doorasho oo la taaban karo oo mideysan." Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa intaasi ku daray "Hawlgalka Qaramada Midoobey wuxuu kaloo ku boorinayaa Soomaalida inay isku yimaadaan, si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka ba'an ee bani'aadantinimo ee dalka ka jira iyo khatarta joogtada ah ee argagixisada."
Nuxurka warka Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya ayaa ah in Siyaasiyiinta Soomaalida ay xaliyaan khilaafkooda ku aaddan nooca doorasho iyo qaabka ay dalka uga qabsoomi lahayd.
Warka Qaramada Midoobey ayaa ah mid dhinacyada looga digayo go'aamo hal dhinac ah, oo aan heli doonin taageerada caalamiga ah.
Mowqifka iska soo horjeeda ee dhinacyada ayaa wiiqay dadaaladii ugu dambeeyay Beesha Caalamka ee xalka loogu raadinayay arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay.
Somaliya ayaa gashay xilli xasaasi ah, iyadoo uu buuq xoog leh ka taagan yahay xilalka madaxda sare.


