Qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhejiska ee gawaarida lagu xiro ayaa maanta lala eegtay gaari uu la socday Sarkaal ka tirsan hay'adaha ammaanka.
Sarkaalkan oo aan la garanayn cidda gaarigiisa ugu soo xirtay qaraxaasi ayaa lala beegsaday, mar uu marayay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay mar keliya maqleen jugta qaraxaasi, xilli gaarigu uu marayay isgoyska mashquulka badan ee Zoobe. Waxay kaloo sheegeen in gaarigu uu si kedis ah uga baxay waddadii uu ku socday, isla-markaana uu ku dhufsaday baale koronto oo hareeraha waddada ku yaala.
Shaqaalaha Gaadiidka Gurmadka Degdegga ayaa goobta ka qaaday dhaawaca laba qof oo midi uu yahay Sarkaalka la bartilmaameedsaday.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Nasiib Daahir Cabdi ayaa ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Ciidamada amniga oo goobta gaaray ayaa ka bilaabay baaritaano ku aaddan qaraxaasi.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, balse qaraxyada ceynkani oo kale ah ayaa waxaa gaysta maleeshiyada Al Shabaab.







