Qarax xoogan oo ka dhacay Degmada Buuloburde
Qaraxan oo loo adeegsaday gaari lagu soo raray walxaha qarxa ayaa galabta ka dhacay Suuqa Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.
Nin la socday gaarigaasi oo noociisu lagu sheegay Leyla Calaawi ayaa la sheegay in isagoo xoog ku wada gaariga uu mar qura isku qarxiyay inta u dhaxeyso suuqaasi iyo xaafado ay dadka rayidka ah degan yihiin.
Wararka ayaa sheegaya in xilligii uu qaraxu dhacayay ay gaarigaasi ku daba joogeen ciidamada amniga, isla-markaana ay jiraan tiro askar ah oo ku dhintay qaraxaasi, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada amniga ay rasaas ku ridayeen gaarigaasi, xilligii uu qaraxu dhacayay.
Illaa iyo hadda inta la ogyahay lix qof oo isugu jira askar iyo dad rayid ah ayaa ku geeriyooday qaraxaasi, halka dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka qaraxaasi ku dhintay ay ku jiraan wiil iyo gabar wada dhashay iyo weliba nin shaybaariiste ahaa.
Qaraxan ayaa sidoo kale burbur xoog leh u gaystay goobo ganacsi iyo dhismayaal la degan yahay.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaase si dhow loola xiriirinaya maleeshiyada Al Shabaab.
Qaraxan ayaa imaanaya maalmo uun ka dib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee gaariga xamuulka loo adeegsaday ee Sabtidii ka dhacay Magaalada Beledweyne ee gobolkaasi.
Saakay oo ugu dambeysay laba qarax oo ismiidaamin ahaa ayay ciidamada kaga hortaggeen duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Al Shabaab oo dagaal dhowr jiho leh uu kaga furan yahay deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa isku dayeysa, sidii ay gulufkaasi militari u fashilin lahayd.

















