Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka uu qarax xoogan ka dhacay bar kontorool oo ciidamada amniga ay ku leeyihiin aagga Isgoyska Ifka Xalane.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka hortaggeen nin la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo isku dayay in bartaasi amni uu xoog kaga gudbo.
Ciidamada ayaa Isgoyska Ifka Xalane ku leh bar kontorool oo lagu hubiyo amniga gaadiidka doonaya in ay magaalada uga soo gudbaan dhanka Waddada Warshadaha.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ismiidaamiyuhu uu ka kaxeynayay gaari uu noociisu ahaa Leyla Calaawi, isla-markaana uu ku qarxay darbiga Waaxda Dhulbixinta ee Dowladda Hoose ee Xamar oo ku taala ka soo horjeedka isgoyskaasi.
Ciidamo fara-badan oo ku baxay goobtaasi ayaa xiray waddada, waxayna hakad geliyeen isu socodkii halkaasi ka jiray.
Qaraxa ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan macluumaad sax ah laga hayn inta uu khasaaruhu le'egyahay.
Gaadiidka gurmadka degdegga ee Ambulance ayaa la arkayay iyagoo gaaraya goobta ay wax ka dhaceen, kana qaadaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ayaan weli ka hadlin qaraxaasi, oo ay Al Shabaab sheegatay.
Qaraxa ayaa ahaa mid si weyn looga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Inkastoo billihii ugu dambeysay is bedel dhanka amniga laga dareemayay Caasimadda Muqdisho, haddana Shabaabka ayaa isku dayaya in ay qalqalgeliyaan ammaanka magaalada.




