Qaraxyadii Degmada Kaxda oo dad ay ku dhinteen
Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, sideed kalena ay ku dhaawacantay laba qarax oo gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa hore ayaa Dalcadda Kaxda lagu la beegsaday dhallinyaro la sheegay inay isaga kala yimaadeen Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood, halkaasna ay damaashaad u joogeen.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa labaad lala eegtay Saraakiisha Ciidamada Booliska ee goobta u yimid gurmadka dhallinyaradii waxyeelada ka soo gaartay qaraxii koowaad.
Gudoomiyaha Degmada Kaxda, Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in labada qaraxba ay ahaayeen miinooyin ay goobta ku sii diyaariyeen kooxaha argagixisada.
"5-tii galabnimo ayay Khawaarijtu geliyeen meeshii dhallinyarada ay ku dalxiiseysay miino soo booddo ah, ka bacdi markii laamaha ammaanku ay soo gaareyna mid labaad ayay qarxiyeen." Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha oo VOA la hadlay ayaa yiri "Haddaba, sidii ay dhagarta u maleegeen Ilaahay shacabka Soomaaliyeed waa uga nabadgeliyay."
Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay in illaa shan qof ay ku dhinteen qaraxyada, sideed kalena ay ku dhaawacantay.
"Meeshaasi saldhig degmo, xarun degmo iyo bar kontorool kama dhawo. Waa meel dalcadda degmada ah oo caadi ah, welibana deegaana ma ahan oo xitaa xaafado ma degano. Waa meel caadi ah oo laamiga ku taalo oo dhallinyarada shaaha ku cabaan oo qurux badan oo dalcad ah oo cagaaro ay soo raacaan waaye." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Waxaa jira warar sheegaya in khasaaraha dhimashada uu ka badan yahay toban qof, iyadoo Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Degmada Kaxda uu sheegay inay suurtagal tahay in khasaaraha uu ka bato, inta ay ka warqabaan.
"Xoguhu waa is bedeli karaan, meeshana waa goob ay dad badan joogeen. Khasaaruhu inuu yaryahay ayaan ognahay, waxna waa is bedeli karaan." Ayuu sii raaciyay Gudoomiyuhu.
Dalcadda Kaxda oo ku taala Waaxda 1aad ee degmadaasi ayaa waxaa xilliyada galbihii muuqaalo isaga qaada dhallinyarada u damaashaadka tagta degmadaasi.
Maalmaha fasaxa iyo maalinta Jimcaha oo dadku ay shaqooyinkoodu ka nasanayaan ayaa waxaa halkaasi soo booqda shacab fara-badan.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, marka laga soo tago in si dhow loola xiriirinayo maleeshiyada Al Shabaab.