Qoorqoor oo sheegay in Galmudug ay ka gudubtay xilligii la kala qaybinayay dadkeeda
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in Galmudug ay horey uga soo gudubtay shirqoolada lagu kala qaybinayo dadkeeda, waana warkii ugu horreyay oo xaggiisa laga helo, muddada uu taagan yahay khilaafka kala dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha ayaa maanta toddobaadyo ka dib shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Dowladda Federaalka ay xadidday cadaadiskii siyaasadeed iyo midkii amni ee ay ku haysay Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxtooyada Galmudug ayaa war qoraal ah ku sheegtay in Shirka Golaha Wasiirada diiradda lagu saaray xaaladda amniga deegaanada Galmudug, xoojinta nabadgelyada iyo dardargelinta adeegyada dowladnimada.
"Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa tilmaamay in Galmudug ay horey uga soo gudubtay hagardaamooyin iyo shirqoolo yoolkoodu ahaa kala qaybinta bulshada reer Galmudug." Ayaa lagu yiri warka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulku uu si buuxda uga warqabo ujeeddooyinka ka dambeeya kooxaha doonaya in ay abuuraan khilaafyo iyo caqabado gacan ku rimis ah, sida lagu sheegay warka.
Madaxweynaha ayaa hay'adaha maamulka iyo dadka reer Galmudug ku bogaadiyay, sida uga feejigan yihiin waxa uu ku sheegay sharwadeyaasha.
Sida lagu sheegay warka, Madaxweyne Qoorqoor ayaa carabka ku adkeeyay in Dowlad Goboleedka Galmudug ay sii xoojin doonto dadaalada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Galmudug, isla-markaana aanay ogolaan doonin gacan kasta oo ku howlan kala gaynta bulashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Galmudug ayaa waxaa u socdo wada hadalo ay ka shaqeynayaan Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, odayaal iyo ganacsato reer Galmudug ah. Khilaafka labada dhinac ee soo ifbaxay horaantii bishan, salkana ku haya Doorashada Galmudug ayaan weli xal laga gaarin.
Xaqiiqada ah in khilaafka aan xal kama dambeys ah laga gaarin ayaa ka dhigan in xaaladdu ay weli tahay mid jilicsan, oo ay suurtagal tahay in ay xiisaddu dib u soo cusboonaato, isla-markaana ay isku bedesho gacan ka hadal.






