R/wasaare Barre oo Safiirka Mareykanka kala hadlay la dagaalanka Shabaab

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo maalmahaanba kulamo la qaadanayay Wakiilada Beesha Caalamka ee dalka ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii la kulmay Safiirka Mareykanka ee u jooga dalka, Danjire Larry André.
Warbaahinta Dowladda ayaa ku warantay in labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, horumarinta dhaqaalaha, dayn-cafinta iyo xoojinta taageerada uu Mareykanka siiyo Dowladda Somaliya.
Ilo wareedyo ayaase sheegaya in Raysal Wasaaruhu uu Safiirka u sheegay in la joogo xilligii Saraakiisha Mareykanka ee dalka ka hawlgala ay dardargelin lahaayeen weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah fariisimaha Shabaabku ku leeyihiin deegaanada ay maamulaan, haddii Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay u diyaargaroobeen wejiga labaad ee gulufka lagu xoreynayo deegaanadaasi.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa door weyn ka qaatay wejigii hore ee hawlgalka, oo Shabaabka lagaga saaray inta badan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wejiga labaad ee hawlgalkan ku sheegay, kiisii ugu dambeeyay ee lagu soo afjari lahaa Shabaabka, ka dib lix iyo toban sano oo ay dalka ka dagaalamayeen.
Hawlgalkan ayuu qorshuhu yahay in si saf ballaaran Al Shabaab looga weeraro deegaanada Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.


