Rag hubeysan oo haweeney ku dilay Magaalada Muqdisho

Raggan ayaa fiidnimadii xalay haweeneydan ku dilay xaafadda Ciise Cabdi ee Degmada Dayniile, iyadoo dhanka kalena ay u suurtagashay in ay goobta ka baxsadaan.

Wararka ayaa sheegaya in raggaasi ay Shukri Cali Mahadale ku hor dileen afaafka hore ee hoygeeda.

Ciidanka Saldhigga Booliska ee Degmada Dayniile ayaa goobta gaaray, xilli ay cagaha wax ka dayeen raggii dilkaasi gaystay.

Shukri Cali ayaa si weyn looga garanayay xaafadda Ciise Cabdi, iyadoona ka mid ahayd Shaqaalaha Tallaalka Cudurka Dabeysha.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa dilkeeda, mana jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda dilkeeda.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmihii ugu dambeysay ku soo badanayay Magaalada Muqdisho.