Rag ku eedeysan dilka afar dumar ah oo la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Galgaduud

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta bilowday dhageysiga eedeymaha loo haysto saddex nin oo loo soo xiray, dil la sheegay inay toddobaadkii hore gobolkaasi ugu gaysteen hooyo iyo saddex hablood oo ay dhashay.

Qoyskan ayaa Arbacadii hore lagu dilay hoygooda oo ku yaala meel ku dhow deegaanka Qaayib oo hoostaga Degmada Baxdo, waxayna ciidamadu Jimcihii ku guuleysteen inay falkaasi u soo xiraan saddexdan nin, ka dib hawlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeyso Baxdo iyo deegaanka Xiindheere, halkaas oo sida la sheegay ay u baxsadeen.

Raggan oo lagu kala magacaabo Gallad Axmed Xuseen, Cabdi Cismaan Cabdullaahi iyo Ayuub Maxamed Cabdi oo niman dhallinyaro ah ayuu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug ku soo eedeeyay inay si naxariis darro ah u dileen hooyo Sahra Cartan Xirsi iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, laguna kala magacaabayay Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’isa Axmed Maxamuud.

Cabdixakiin Maxamed Xirsi, Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Galmudug ayaa maxkamadda oo dacwaddan ku qaadeysa Magaalada Dhuusamareeb ka sheegay in raggan ay yihiin dembiileyaal dilay haween aan waxba galabsan.

"Dadkaas waxaa si naxariis darro ah oo waxashnimo ah naftooda ku dhaafiyay saddexdaas eedeysane oo maxkaadda horfadhiya." Ayuu yiri Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Galmudug.

Xeer Ilaaliye Kuxigeenka ayaa maxkamadda la wadaagay caddeymaha baaritaankii lagu sameeyay raggaasi, sida wareysiyadii lala yeeshay, baarista shaybaarka dembiyada iyo sidoo kale maxkamadda oo la horkeenay laba qori oo AK47 ah, oo sida la sheegay ay raggaasi u adeegsadeen dilka afarta qof.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, Xasan Cabdullaahi Cali oo mid mid raggaasi u weydiiyay inay galeen eedeymaha loo soo jeediyay iyo in kale ayuu mid kasta ku jawaabay 'maanan gelin'.

Su'aalaha tooska ah ee raggan lagu weydiiyay fadhigii maanta ee maxkamadda ayaa wuxuu Gallad Axmed Xuseen qirtay in uu leeyahay mid ka mid ah labada qori ee maxkamadda lagu soo bandhigay. Waxa uu isku difaacay in qorigiisa oo rasaas ay ka buuxaan uu ku wareejiyay ciidamada, haddana uu arkayo in qoriga oo bilaa rasaas ah la horkeenay maxkamadda, gadaashiisana wax kasta laga samayn karo. Gallad oo horey ugu jiray diiwaanka dembiyada ee booliska ayaa ku adkeystay in aanu wax dembi ah gelin, haba yaraatee.

Maxkamadda ayaa sii wadi doonto dhageysiga kiiskan, maadaama aysan illaa iyo hadda jirin wax qiraal ah oo maxkamadda ay ka xaqiijisay afka eedeysaneyaasha, isla-markaana ay qareenada difaacaya dalbadeen in Xafiiska Xeer Ilaalintu uu keeno caddeymo dheeraad ah, oo xoojinaya Qodobada 434, 39 iyo 71 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo lagu soo eedeeyay eedeysaneyaasha. Qareenadu waxay sheegeen inaanan la ciqaabi karin eedeysaneyaasha, iyadoo aanu qiraal jirin amaba caddeymaha loo baahan yahay. Qareenada ayaa ku andacoonaya in caddeymaha illaa iyo hadda la horkeenay maxkamadda aysan ku filneyn habraaca maxkamadeynta ee dembiyada.

Saraakiisha Galmudug ayaa kuu sheegaya in saddexda nin ee dhallinyarada ah ay wajahayaan kiis aad u xasaasi ah, isla-markaana ay la kulmi karaan xukun adag, marka maxkamadda ay ku dhawaaqdo go'aankeeda.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Garsoorka Maxkamadda Gobolka Galgaduud ka doonaya in ay si dhakhsa ah go'aan uga soo saaraan kiiskan, iyadoo Madaxtooyada Galmudug ay rumeysan tahay in eedeysaneyaashu ay yihiin dembiileyaal galay dembigii lagu soo eedeeyay, inkastoo garsoorku uu weli dersayo caddeymaha aan looga maarmi karin, si ay xukun caddaalad ahi ugu qaadaan raggaasi.

Dadka deegaanka ayaa si dhow isha ugu haya maxkamadeynta raggan, marka aad eegto in loo haysto ku lug lahaanshaha dilalka la xiriira aanooyinka qabaa'ilada.

Maamulka Madaxweyne Qoorqoor ayaa xal u raadinaya, sidii wax looga qaban lahaa dhacdooyinka dilalka aanooyinka beelaha ee ku soo badanaya deegaanada Galmudg, isla-markaana ay gaysanayaan maleeshiyaadka qabaa'ilada ee kooxo kooxaha u socda.