Raggii odayga ku gubay Wanlaweyn oo qaarkood dil toogasho lagu xukumay

Maxkamadda Militarga Somaliya ayaa Sabtidan xukun isugu jira dil toogasho iyo xabsi waxay ku ridday qaar ka mid ah shakhsiyaadkii loo soo xiray dhacdadii argagaxa lahayd ee 7-dii bishan ka dhacday tuulada Dudumaaye oo hoostagta Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, isla-markaana lagu gubay marxuum Isxaaq Daa’uud Maxamed, oo ahaa nin da' ah oo dhimirka ka xanuunsanaa.
Xubnahan dilka lagu xukumay ayaa lala xukumay xubno kale oo bishii October dil wadareed ka gaystay deegaanka Warta Cismaan oo hoostaga Wanlaweyn, kuwaas oo lagu helay inay dileen shan qof, toddobo kalena ay dhaawaceen.
Raggan oo ah maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan ayaa dadkan u dilay aano qabiil, sida ay maxkamaddu ku heshay.
Raggan ayay maalmahaan maxkamadeyntoodu ka socotay Degmada Wanlaweyn, ka dib markii uu dacwad ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Korneyl Cabdullaahi Abuukar Xasan (Shadoor) oo ka tirsan Garsooreyaasha Maxkamadda Militariga ayaa dil toogasho ku xukumay Xasan Buule Isaaq, Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), Abshir Cabdow Xasan, Maxamed Siid Cumar, Cumarey Iskow Maame, Abukar Daa'uud Cismaan, Liibaan Abuukar Cumar, Yuusuf Abuukey Maame iyo Jamaal Maxamed Qaaddi, oo ah qisaasta dadkii ay dileen.
Sidoo kale Cabdifitaax Sokorey Gaduudow, Daahir Mukhtaar Shibbow, Saalax Xuseen Cali, Cabdixamiid Cabdullaahi Siidow, Maxamed Daahir Cismaan iyo Muslimo Cabdi Kuusow ayaa lagu xukumay min shan sano oo xabsi ciidan, kaalintii ay ku lahaayeen dilka ninka odayga ah ee nolosha lagu gubay, halka maxkamaddu ay dib xorriyaddoodu u siisay Axmed Saalax Abuukar, Qaasim Xasan Cabdi Amiin, Abuukar Yuusuf Cali Axmed iyo Cismaan Cabdulle Caliyow, ka dib markii lagu waayay wax dembi ah.
Waxaa jira xubno kale oo kiiska odaygii lagu gubay Dudumaaye ku lug leh, balse maqan, kuwaas oo horey ciidamada amar loogu siiyay inay nolol ama geeri ay ku keenaan.
Dhanka kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ku xukuntay Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu'aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi Tuurey) oo dhammaantood ka maqan gacanta sharciga, laakiin lagu daba joogo.
Raggan ayaa lagu haystaa weerar lagu dilay shan qof, laguna dhaawacay shan kale oo toddobaadkii hore ay ka gaysteen ceel biyood ku yaala deegaanka Yaaq-bariweyne oo hoostaga Degmada Wanlaweyn iyo falal kale oo dad safar ahaa lagu dilay, isla-markaana ka dhacay deegaankaasi.
Waa tallaabadii ugu horreysay ee ceynkeeda ah ay maxkamaddu wax kaga qabaneyso dilalka aanooyinka beelaha ee labadii sano ee la soo dhaafay ka dhacayay, inta u dhaxeyso Wanlaweyn iyo Yaaq-bariweyne.


