Raysal Wasaaraha oo xarigga ka jaray Xarunta NIRA ee Laascaanood

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo maalintii labaad ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa xarigga ka jaray Xarunta Hay’adda Diiwaangelinta Aqoonsiga Dadweynaha ee NIRA, oo xarun cusub ku yeelaneysa Xarunta Maamulka SSC Khaatumo.

Raysal Wasaaraha ayaa waxaa xarig jarkan ku wehlinayay Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), kaas oo noqday qofkii ugu horreyay ee hay'addu ay diiwaangeliso.

“Qofka muwaadinka ah waa in la diiwaangeliyo, oo uu aqoonsi helo, waana qodob dastuuri ah, marka xaqiiqdaas ayaa uga curatay reer Khaatumo deegaanada maamulka, waana ku faraxsanahay in Madaxweynuhu noqdo qofkii ugu horreyay ee la diiwaangeliyo." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Xaruntan ayaa bulshada deegaanka u fududeyn doonto, sidii ay heli lahaayeen Kaarka Aqoonsiga Qaranka (Natinal ID), bedelkii ay goobo ka baxsan deegaanada maamulkaasi u doonan lahaayeen.

Booqashada Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ee deegaanada SSC Khaatumo ayaa waxaa qayb ka ah in adeegyada Dowladda Federaalka la gaarsiiyo maamulkaasi.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan dhameystirtay shuruudaha laga doonayo muwaadiniinta qaadaneysa kaarka aqoonsiga.