Raysal Wasaaraha Somaliya oo booqday deegaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Raysal Wasaaraha oo ka degay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo ayaa halkaasi uga sii gudbay Buulo Xaaji, oo bishii June laga saaray maleeshiyada Al Shabaab, oo muddo dheer ka arriminayay deegaankaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa 10-kii June si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Buulo Xaaji, oo qiyaastii 80km dhinaca koonfur galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo ay wehlinayeen masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goob fagaare ah kula hadlay Ciidamada Qalabka Sida ee halkaasi degan.

Raysal Wasaaraha ayaa ciidamada ku ammaanay naf hurnimada ay sameynayaan iyo dadaalada ay dalka kaga xoreynayaan kooxaha argagixisada, waxaana uu ballanqaaday in qaranku uu abaalmarin doono Guutada Birjeex ee Daraawiishta Jubbaland ee toddobaadkii hore maleeshiyada Shabaabka ku jebisay weeraradii ay ku soo qaadeen deegaano dhowr ah oo dhawaan laga saaray.

“Waad cibaadeysateen, maxaa yeelay waxaad layseen kuwii uu suubanuhu na faray in la laayo oo la burburiyo. Waxaad ka farxiseen Muslimiinta, waxaad rubadda goyseen Khawaarijtii ay ummadda Soomaaliyeed necbaayeen. Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in Khawaarijta dalka laga xoreeyo oo la tirtiro. In badan oo ka mid ah dalka waa laga xaaqay oo ay ka mid tahay Buulo Xaaji." Ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal Wasaare Barre ayaa shacabka ku booriyay inay la shaqeeyaan ciidamada, dowladduna ay deegaanada la xoreeyay gayn doonto adeegyada aasaasiga ah.

Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) ay deeq raashiin gaarsiisay 900 oo qoys oo ku nool Buulo Xaaji, taasoo qayb ka ah qorshaha safarka Raysal Wasaaraha ee Jubbaland.

Wafdiga Raysal Wasaare Barre ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed, Xildhibaano, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska.

Barre ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo uu joogi doono Magaalada Kismaayo, isagoona la kulmi doona Madaxda Jubbaland, bulshada qaybteed iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka & kuwa Jubbaland.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Raysal Wasaaruhu uu sidoo kale Jubbaland u tegay xalinta is maandhaaf soo kala dhexgalay Ciidamadii Millitariga ee horaantii bishii June la geeyay Magaalada Kismaayo iyo Madaxtooyada Jubbaland.

Ciidamadan oo ka qayb qaatay hawlgaladii toddobaadyo ka hor lagu qabtay deegaanada Harboole iyo Miido ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maalmo ka hor halkaasi dib uga soo gurtay, sababo ku aaddan Madaxweynaha Jubbaland oo ay ku eedeynayaan in uu ka qaaday gaadiidkoodii dagaalka, dhaawacyadooduna aanay daryeel wanaagsan ka heleynin maamulkiisa.

Raysal Wasaaraha ayaa wada dadaalo lagu dhameynayo cabashada ciidamada, si ay dib ugu laabtaan aagaggii ay soo banneeyeen, loona sii wado gulufka ka dhanka ah Shabaabka.

Villa Somalia ayaa ahmiyad badan siineysa hawlgalkan, si loo xaqiijiyo istiraatiijiyadda dagaal ee ku aaddan xoreynta iyo xasillinta ee deegaanada.