Raysal Wasaaraha Somaliya oo ka qaybgelaya Shirka Golaha Guud ee QM

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada New York, oo Axadda uu ka furmayo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Raysal Wasaaraha ayaa Xarunta Qaramada Midoobey kaga qaybgelaya meertada 79aad ee Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobey, kaas oo socon doono 22-23-ka bishan.

"Halku dhigga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bani'aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka." Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay "Raysal Wasaaraha ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee Qaaradda Afrika ee dejinta ajandeyaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara."

Raysal Wasaaraha Barre ayaa waxaa safarka ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macalin Fiqi.

Waa sanadkii labaad oo xiriir ah oo Raysal Wasaare Barre uu ka qaybgelayo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.