Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo dalka dib ugu soo laabtay
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib maalmo uu dalka Sacuudiga ugu maqnaa gudashada Cumrada.
Raysal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Golaha Wasiirada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in uu dadka iyo dalkaba ugu duceeyay in Allah nabadgelyo, barwaaqo iyo midnimaba ku galado.
Raysal Wasaare Barre ayaa tilmaamay in sanadkani uu noqon doono mid ay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed muddo gaaban gudahood dalka kaga sifeyn doonaan maleeshiyada Al Shabaab, dalkuna ku tallaabsan doono guulo kale oo waaweyn, oo ay ka mid yihiin dhameystirka barnaamijka dayn-cafinta, qabyo tirka Dastuurka KMG iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalkeenna Eebbe ku galaday.













