Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Puntland

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiirirka aan wanaagsanayn, ee ay leeyihiin Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay, tan iyo aasaaskii dowladnimada dalka ee sanadkii 1960-kii in ay dadka reer Puntland hormuud ka ahaayeen dowladnimada, balse maanta ay Puntland meel hoose kaga jirto xoojinta dowladnimada dalka, taas oo uu u sababeeyay cilaaqaadka aan wanaagsanayn ee Madaxda Puntland kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.
"Waxay Soomaalida u horseedeen oo ay hormuud ka ahaayeen nidaamka xukunka dalka Soomaaliyeed ee federalism-ka, waxay hormuud ka ahaayeen yegleeliddii iyo abuuriddii Dastuurka KMG ee maanta dalkani uu haysto ee federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, intaba." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha.
Raysal Wasaaraha ayaa yiri "Waxaan ku jirnaa dowlad dhis, Puntland iyo shacabkeeda oo taariikhdaa leh maanta meesha Dowladda Puntland ay ka joogaan dowlad dhiska Somaliya, meel u qalanta ma aha, hormuudnimo ma aha, meeshii la rabay inay istaagaan ma aha. Meel aan u qalmin ayay taagan yihiin. "
Mar uu ka hadlayay waxa ay ka doonayaan Puntland ayuu yiri "Waxaan rabnaa inay hormuud ka ahaadaan qarankan dhisiddiisa iyo dowlad dhisidda socota ee Somaliya, taariikhdii lagu yaqaanay Dowladda Puntland waxaan rabnaa shacabkaas taariikhdiisa inaysan ka soo celin meeshii lagu yaqaanay, waxaan rabnaa siday hormuud u ahaan jireen inay hormuud u ahaadaan."
Raysal Wasaaraha ayaa intaasi raaciyay "Caasimadda Garoowe waa caasimadda hadda ugu amniga badan caasimadaha Somaliya ayaa la oran karaa, waxaan rabnaa in loo ogolaado inay korto dhaqaale ahaan, waxaan rabnaa in loo ogolaado hay'adaha dowladda, waxaan rabnaa in siminaarada loo ogolaado, waxaan rabnaa in mashaariicda loo ogolaado, waxaan rabnaa in loo ogolaado Dowladda Federaalka in ay dhaqaalo iyo horumar geliso, waxaan rabnaa in nabadgelyada iyo deganaanshaha ay haysato uga faa'iideysato dhinaca koritaanka dhaqaalaha iyo inay noqoto meesha ay isugu taggaan shacabka, dowladda iyo hay'adaha Soomaaliyeed."
Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Somaliya ayaa yiri "Ma rabno in la yiraahdo dowladdu ma soo geli karto, uma qalanto, maxaa yeelay hoggaaminimo iyo hormuudnimo sidaasi ma aha, waxaan rabnaa in Garoowe ay hormuud noqoto, ma rabno inay gadaal istaagto."
Raysal Wasaare Barre oo ka waramayay, sida uu u hooseeyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa yiri "Dhallinyarada Soomaaliyeed ee reer Puntland, waxay xaq u leeyihiin waxa ay ku leeyihiin Dowladda Federaalka inay ka helaan, inay shaqo ka helaan. In ka badan 400 oo macalin ayaan diyaar u nahay inaan hawlgelino oo mushaar siino, oo ay waxbarashada Puntland-na macno ku soo kordhiyaan, laakiin waa la hortaagan yahay, maxaa loo hortaagan yahay? Dhallinyarada markaan codka ka rabnana ma waxaan dhahaynaa, waad fiican tihiin, markay shaqo heli lahaayeena, ma shaqadaa ka hor istaagaynaa? Dhallinyarada waa in loo ogolaado inay shaqeystaan."
Raysal Wasaaraha ayaa Maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay in uu horgudban yahay dadaalada socda ee la doonayo in caalamka uu daynta kaga cafiyo dalka.
"Waxaa jira waxyaabo yaryar oo dayn-cafinta shuruud u ah, oo ah wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Dhammaan Wasaaradaha Maaliyadda way wada shaqeeyaan, marka laga reebo Puntland." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo intaasi ku daray "Ka warama wada shaqeyn yar oo shir la isugu yimaado oo Dowladda Puntland la waayay, hadday u fashilinto dayn-cafinta, yaa masuul ka noqonayo? Shacabka Puntland masuul kama noqonayan, maamulkaa masuul ka noqonayo. Arrintaasi hadday dhacdo, waxay noqon doontaa arrin taariikhda gasha oo taariikh madow bay noqonaysaa."
Raysal Wasaare Barre ayaa Puntland ugu baaqay "Waxaan codsanaynaa horumarka iyo siyaasadda in la kala saaro. Horumarka iyo siyaasadda waa in la kala saaraa, isma yeelan karaan."


