Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo la kulmay Madaxda Puntland iyo Jubbaland

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweyneyaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo caasimadda u jooga ka qaybgalka Shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa goor dambe oo xalay ahayd qoraal ku sheegtay in kulanka looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo in si wadajir ah looga wada shaqeeyo dowlad dhiska, amniga iyo xasilloonida Somaliya.

"Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo sidii si wadajir ah loogu wajihi lahaa arrimaha mudnaanta u leh dowlad dhiska, amniga iyo xasilloonida Somaliya." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan ayaa daba socdo kulan qado oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shalay u sameeyay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka tirsan Golaha Mustaqbalka, oo la isku yiraahdo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland.

Kulanka ayaa wuxuu ujeedkiisu ahaa in la abuuro jewi wanaagsan oo uu ku qabsoomi karo shirka soo socda.