Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo magacaabay laba Wasiir

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Wasiiru Dowle iyo Wasiir Kuxigeen, kuwaa oo ka mid noqonaya Xubnaha Golihiisa Wasiirada.

Raysal Wasaaraha ayaa Cabdikariin Cabdow Xaydar u magacaabay in uu noqdo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada.

Raysal Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu Axmed Jaamac Cumar u magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada.

"Raysal Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad." Ayaa lagu yiri wareegtada lagu magacaabay xubnahaasi.

Jegada Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ayaa waxaa 22-kii bishii February iska casilay Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), kaas oo is casilaaddiisa ku sababeeyay, ka dib markii ay cabasho xoog leh uga timid dad ku takrifal awoodeed ku eedeynaya Wasiirka Wasaaradda, Fardowsa Cismaan Cigaal.

Sidoo kale Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ayaa waxaa horey ugu magacawnaa General Sulub Axmed Firin, oo 26-kii bishii Janauary loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waa magacaabistii ugu dambeysay ee uu sameeyo Raysal Wasaare Barre.