Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo u ambabaxay Magaalada Laascaanood

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa barqanimadii maanta ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isagoona ku sii jeeda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Raysal Wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa diyaarad gaar ah ka raacay Garoonka Aadan Cadde, si ay ugu taggaan Laascaanood oo maalmahaanba looga diyaargaroobayay soo dhaweynta Raysal Wasaaraha.

Maamulka SSC Khaatumo iyo dadka deegaanka ayaa u diyaargaroobay in ay si diiran u qaabilaan wafdiga Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Laamaha amniga ayaa adkeeyay ammaanka magaalada, waxaana goor sii horreysay la soo saaray awaamiir lagu xoojinayo ammaankeeda.

Afhayeenka Xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa Khamiistii sheegay in booqashadani ay qayb ka tahay dadaalada xukuumadda ee nabadda, midnimada iyo horumarinta dalka, isagoo intaasi ku daray in safarka Raysal Wasaaruhu uu ka tarjumayo go’aanka adag ee Dowladda Federaalka ay u qaadatay sida uu yiri xoojinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Raysal Wasaaruhu uu dadka reer SSC Khaatumo kala hadli doono, sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira iyo sidii horumar la taaban karo looga gaari lahaa nabadeynta iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed.

"Sidoo kale inta Raysal Wasaaruhu uu ku jiro safarkaasi, waxa uu xarigga ka jari doonnaa mashaariic horumarineed oo la dhameystiray, kuwaasi oo wax weyn ka tari doona baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada Laascaanood. Waxaa sidoo kale uu Raysal Wasaare Xamse uu dhagax dhigi doonnaa mashaariic cusub oo qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee lagu gaarsiinayo adeegyada dowliga ah dhammaan gobolada dalka.” Ayuu yiri Ayuu yiri Afhayeenka.

Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa booqashadan ku sheegay tii ugu horreysay ee ebid Raysal Wasaare Soomaaliyeed uu ku tago Laascaanood.