Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo xafiiskiisa ku qaabilay Maxamed Cabdi Waare

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Ergayga Gaarka ee Xasillinta & Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaalada.

Raysal Wasaaraha ayaa Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ku tilmaamay khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha loo magacaabay, xukuumadduna ay ku gacan siin doonto gudashada waajibaadkiisa.

"Raysal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Ergayga in uu mudnaanta siiyo ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah ee ku nool goobaha laga xoreynayo argagixisada, maadaama la bilaabi doono wejiga labaad ee hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta, isla-markaana uu xaqiijiyo in dadka ku sugan deegaanada la xoreeyo la gaarsiiyo adeegyada dowladda." Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal Wasaare Barre.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1-dii bishan magacaabay Waare, xilli dalku uu ku jiro marxalad dagaal.