Raysal Wasaare Barre oo furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed, oo lagu dhaqangelinayo Siyaasadda Qaran ee dhallinta.
Shirkan oo ah kii 9aad ayaa soconaya muddo saddex maalmood ah, waxaana ka soo qaybgalay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibadda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.
Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar waxyaabood, oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala ah amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda.
Raysal Wasaaraha ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoonyahanka ah oo kaalin mug leh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagu la jiro kooxaha argagixisada.
Raysal Wasaare Barre oo tilmaamay halka ay dhallinyaradu uga jiraan nolosha bulshada ayaa sheegay in dal aan lahayn cuddud dhallinyaro oo xoog leh uusan horumar gaari karin.
Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Xukuumadda ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay dhallinta Soomaaliyeed u abuureyso fursado shaqo, waxaana uu ku ammaanay Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad-dhiska.


















