Raysal Wasaare Barre oo Golihiisa Wasiirada faray in dagaalka ka qayb qaataan

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo shir guddoominayay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada faray in ay ka qayb qaataan dagaalka dalka ka socda.

Raysal Wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay hay'adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo bulshadaba in ay ka qayb qaataan dagaalkan dalka looga xoreynayo maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo golaha warbixin ka siiyay hawlgalka dalka ka socda ayaa sheegay in uu socdo dagaal uu sheegay in Gobolada Dhexe looga sifeynayo kooxaha argagixisada.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyay go'aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee ah in uu dagaalka ka hoggaamiyo furimaha hore, si ciidamada iyo dadka deegaanka loogu dhiirigeliyo dardargelinta dagaalka.

“Waxaan bogaadinayaa Ciidamada Qaranka ee geesiyaasha ah oo dalkeenna ka wada Jihaad ka dhan ah Khawaarijta, waxa ay sameynayaan taariikh cusub oo mar labaad looga xoroobayo argagixiso gumeysi ku haya dadkeenna." Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Raysal Wasaare Barre ayaa sheegaya in dalka uu ku jiro dagaal la rabo in qof kasta uu ka qaato doorka kaga aaddan, si la isaga dulqaado buu yiri culeyska Khawaarijta ee naafeeyey noloshii iyo horumarkii ummadda Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa ugu dambayn lagu meelmariyay Hindise Sharciyeedka Da’yarta Soomaaliyeed iyo Xeer Nidaamiyaha Maareynta Hantida Danta Guud & Agabka Dowladda.