Raysal Wasaare Barre oo la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa ku sugan Magaalada Nairobi ayaa la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Raysal Wasaaraha ayaa ganacsatada kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Raysal Wasaaraha ayaa ganacsatada uga waramay xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursadaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad dhisidda iyo dadaalada xukuumaddiisa ee ku saabsan taabagelinta hannaanka Dowladnimada Somaliya.

Waxa uu ganacsatadaasi ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan gudaha dalka, tanoo abuuri karta fursado shaqo. Maalgashigaani wuxuu fursad u yahay in laga faa’iideysto xubinimadeenna Suuqa Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo ah suuq cusub oo horseedi kara horumar dhaqaale oo ballaaran." Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Raysal Wasaare Barre ayaa uga mahadceliyay ganacsatada dadaaladooda la xiriira adkeynta dowladnimada iyo gurmadka ay u sameeyaan shacabka Soomaaliyeed, marka ay dhibaatooyinka jiraan.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya ayaa dhankooda Raysal Wasaaraha la wadaagay talooyin ku aaddan dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, iyaga oo bogaadiyay guulaha muhiimka ah ee ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran, muddada labada sano ku dhow ee ay shaqeynaysay.

Raysal Wasaare Barre ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay qaar ka mid ah Xubnaha Golihiisa Wasiirada, oo laga xusi karo Wasiirada Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed, Beeraha & Waraabka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Gaadiidka & Duulista Hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal.