Raysal Wasaare Barre oo la kulmay Safiirka Qatar ee dalka
Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Qatar ee dalka, Danjire Abdullah bin Salem Al Nuaimi.
Kulanka ayay uga wada hadleen xoojinta iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha bani'aadanimada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.
"Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha bani'aadanimada oo Dowladda Qatar ay ka gacan siiso Somaliya." Ayaa lagu yiri qoraalka.
Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dalalka Carbeed ee sida joogtada ahi uga hawlgala dalka.







