Raysal Wasaare Barre oo magacaabay xubno Wasiiro ah

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa is bedel ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, isagoona magacaabay tiro Wasiiro ah.

Raysal Wasaaraha ayaa Axmed Macalin Fiqi oo ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah.

Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa loo magacaaay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa loo magacaabay Wasiirka Amniga, waxaana jegadan horey ugu magacawnaa Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta & Biyaha.

Maxamed Aadan Macalin ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyadda.

Axmed Cumar Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimilada.