Raysal Wasaare Barre oo munaasabad kaga qaybgalay Degmada Kaaraan

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac iyo xubno ka mida Golihiisa Wasiirada ayaa xalay munaaasabad kaga qaybgalay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Munaasabaddan ayaa ahayd mid kor loogu qaadayay kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidamada amniga, laguna dhiirigelinayay ciidamada iyo muwaadiniin kale oo gacan ka gaystay in laga hortaggo, lana soo qabto xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo sida la sheegay weeraro qorsheynayay.

Raysal Wasaaraha ayaa abaalmarino guddoonsiiyay muwaadiniintaasi, oo uu ku ammaanay in ay ka qayb qaateen xasillinta amniga Muqdisho.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in amniga ka soo reynaya ee caasimadda ay sabab u tahay wada shaqeynta shacabka iyo dowladda.

Raysal Wasaare Barre ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay maanta haystaan fursad taariikhi ah, oo ay dalkooda sida uu yiri ku xoreeyaan, haddii ay xukuumaddu qaadday tallaabooyin sida uu sheegay isu soo dhaweynaya shacabka iyo laamaha amniga.

Dhanka kale Raysal Wasaare Barre ayaa ciidamada ugu deeqay 50 neef oo geela, oo ay jeebkooda ka iibiyeen Xubnaha Golaha Wasiirada.

Xukuumadda DanQaran ayay muhiimadeeda koowaad tahay wax ka qabashada xaaladda amni ee dalka.