Raysal Wasaare Barre oo sheegay in xukuumaddiisu ay shaqaaleysiisay 23 kun oo muwaadin

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta sheegay in Xukuumaddiisa Dan-Qaran ay ku guuleysatay muddo ka yar sanad inay shaqaaleysiiso 23 kun oo muwaadin, kuwaa oo isugu jira ciidan iyo shaqaale rayid ah.

Raysal Wasaaraha ayaa maanta Caasimadda Muqdisho tababar uga furay saddexdii kun ee macalimin ee bishii May la shaaciyay inay ku guuleysteen imtixaankii ay dowladdu qaadday bishii February, loona qaatay shaqaale dowladeed. Macalimiintan ayaa shaqo geli doona bisha September ee sanadkan.

Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye ayaa Raysal Wasaaruhu waxa uu kula dardaarmay macalimiinta in ay noqdaan kuwo soo saara arday tayo leh oo waxbarashadoodu sugan tahay, isla-markaana ay noqdaan kuwo ka soo dhalaala howsha loo xilsaaray, ee ah waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in waxbarashadu ay qayb muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Wuxuuna ku booriyay macalimiinta in ay soo saaraan arday Muslim oo aan is qarxineyn, Soomaali ah, qabyaalad aqoon, tuug ahayn, aqoon leh, caalamkana  la falgeli kara.

"In kharashka dowladda lagu daro macalimiin gaaraysa 3,000, waxay ahayd arrin adag. Xukuumadda Dan-Qaran iyadoon sanad joogin waxay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23 kun oo Soomaali ah, isuguna jira 20 kun oo ciidan ah oo kala wareegi doona amniga dalka ATMIS, dhammaadka 2024 iyo 3 kun oo macalin." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaare Barre ayaa mar kale ku celiyay in la banneeyo goobaha waxbarashada ee ay degan yihiin shacabka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.