Raysal Wasaare Barre oo u ambabaxay dalka Sacuudiga

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa u ambabaxay dalka Sacuudiga.
Wafdiga Raysal Wasaaraha oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa halkaasi ku soo gudan doona waajibaadka Xajka.
"Raysal Wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed Ilaahay uga baryay in dhibaatooyinka ragaadiyay dowladnimadooda uu ka dulqaado, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la is cafiyo oo laga wada shaqeeyo horumarka dalka." Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal Wasaaraha.
Raysal Wasaare Barre oo sidoo kale bishii April tegay dalkaasi ayaa soo Cumreystay.


