Raysal Wasaare Barre oo xarigga ka jaray xarun cusub oo ganacsi

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa xarigga ka jaray xarun cusub oo ganacsi, oo ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgeliyeen Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha ayaa ganacsatada ku ammaanay hirgelinta Juba Hypermarket, oo sida uu sheegay kaalin muhiim ah ka qaadanaya horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Raysal Wasaaraha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan maalgashiga ay ku sameynayaan dalka.

Raysal Wasaare Barre ayaa gaancsatada ugu yeeray in ay ku kalsoonaadaan maalgashiga dalkooda, si dalka uga soo kabto dib-u-dhicii xilliga burburka, caalamkuna ula tartamo

Juba Hypermarket ayaa noqonaya mid ka mida dhismooyinka casriga ah ee ganacsi ee lagu soo kordhiyay Caasimadda Muqdisho.