Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo si diiran loogu soo dhaweeyay Laascaanood

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Laascaanood, ka dib markii diyaaraddii ay la socdeen ay ka cago dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee ku yaala waqooyiga magaaladaasi.

Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan xukuumaddiisa oo horey u gaaray magaaladaasi, masuuliyiin uu ugu sarreyo Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), siyaasiyiin, saraakiil ciidan, odayaal, waxgarad iyo qaybaha kale ee bulshada.

Raysal Wasaaraha oo kumanaan dadka deegaanka ah kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ayaa kaga cudurdaartay saacadihii ay quraxda u taagnaayeen soo dhaweynta wafdigiisa, inkastoo markii Raysal Wasaaruhu uu halkaasi tegay wax yar ka dib uu roob ka da'ay magaalada.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta idiin la joogno, waana idiin la joogi doonnaa Ilaahay idinkiis. Wixii is wareysi ah, kaftan, sheeko iyo waxqabad, intaba waan isugu imaan doonnaa, haddii Ilaahay yiraahdo." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu oo intaasi ku daray "Booqashadeenna waxay xambaarsan tahay midnimo, nabad iyo walaaltinimo Soomaaliyeed. Waxaan leenahay Khaatumo ha noolaato, dadkeedu ha noolaadaan, guuleysta."

Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa gaadiid looga gelbiyay garoonka, iyadoona la geeyay goobta loogu talagalay in magaalada laga dejiyo, muddada ay joogaan.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada, waxaa uu kulamo la qaadan doonnaa Madaxda Maamulka SSC Khaatumo iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Raysal Wasaaraha ayaa xarigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo deegaanka laga hirgeliyay, kuwo kalena uu dhagax dhigi doono.

Waa booqashadii ugu horreysay ee Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Somaliya uu ku tago magaaladaaasi.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa goor sii horreysay booqashadani ku tilmaamay tii ugu horreysay ee ebid Raysal Wasaare Soomaaliyeed uu ku tago Laascaanood.

Ma cadda muddada ay qaadan doonto booqashada wafdiga Raysal Wasaaraha ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.