Raysal Wasaare Xamse oo buuxiyay jegada uu iska casilay Maxamuud Abukaate

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa Cismaan Maxamed Cabdi u magacaabay in uu noqdo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

"Raysal Wasaaraha ayaa Wasiir Kuxigeenka kula dardaarmay in uu si hufan u guto waajibaadka shaqo ee horyaalla, isaga oo Alle uga baryay in uu ku asturo masuuliyadda uu u qaadday ummadda Soomaaliyeed." Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo galabta ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Jegadan ayaa waxaa Khamiistii iska casilay Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate), kaas oo xilka loo magacaabay bishii March ee sanadkii 2025.

Maxamuud Abukaate oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa warqad uu ku saxiixnaa isaga casilay xilkaasi, isagoon sheegin wax sabab ah oo shaqada uu uga tagayo.

Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaan ka hadlin tallaabada uu isku casilay Maxamuud Abukaate, oo muddooyinkii u dambeeyay uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamuud Abukaate oo deegaan doorashadiisu tahay Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle ayaa bishii April ee sanadkii 2022 markii 2aad la guddoonsiiyay shahaadada Xildhibaanimo.