Raysal Wasaarihii hore ee Malaysia, Muhyiddin Yassin oo dacwad lagu soo oogay

Raysal Wasaarihii hore ee dalka Malaysia, Muhyiddin Yassin ayaa saaka ka soo muuqday Maxkamadda Magaalada Kuala Lumpur, iyadoona lagu soo oogay dacwad musuq-maasuq.

Ninkan ayaa loo haystaa eedeymo la xiriira ku takrifal awoodeed iyo lacag dhaqid la xiriirta bixinta qandaraasyada dowladda, intii lagu jiray masiibada COVID-19.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa eedeymaha ka dhanka ah u gudbiyay maxkamadda, ka dib markii Khamiistii shalay ay dhowr saacadood su'aalo weydiinayeen baarayaal ka socda hay'adda la dagaalanka musuq-maasuqa ee dalkaasi.

Muhyiddin Yassin oo dalkaasi Raysal Wasaare ka soo noqday, intii u dhaxeysay bishii March ee sanadkii 2020 illaa bishii August ee sanadkii 2021 ayaa Garsoorka Maxkamadda u sheegay inaanu wax dembi ah gelin, isagoona baaritaanka lagu sameeyay ku tilmaamay mid siyaasadeed.

Maxkamadda ayaa ogolaatay in damaanad lagu sii daayo, balse ay tahay inuu bixiyo lacag damaanad oo gaareysa laba milyan oo Ringgit-ka Malaysia ah, una dhiganta 442,674 oo Dollarka Mareykanka iyo inuu soo dhiibo basaboorkiisa, si aanu dalka uga bixin.

Muhyiddin Yassin ayaa noqonaya masuulkii labaad ee ugu sarreyay ee dalkaasi xil ka soo qabta, isla-markaana wajaha eedeymo musuq-maasuq. 

Horey waxaa dacwad musuq-maasuq loogu helay Raysal Wasaarihii ka horreyay waa Najib Razak, kaas oo maxkamadi ay ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah, ka dib markii fadeexaddii ugu weyneyd ee musuq-maasuq ay hareysay Sanduuqa Horumarinta Malaysia ee 1MDB. Dadka dalkaasi ayaa ka carooday musuq-maasuqa balaayiinta dollar gaareysa ee sanduuqaasi lagu sameeyay.