RW Barre oo daahfuray Adeegga Isku Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa daahfuray Adeegga Isku Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka. Adeeggan ayaa suurtagelinaya in ay is wacaan shabakadaha teleefanada kala duwan ee ka jira gudaha dalka.
Raysal Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabadda daahfurka ee hirgelinta adeeggan oo caawa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Isku Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta laga faa'iidaayo tartan ganacsi oo xalaala, tallaabadanina ay tahay xuquuq muwaadin iyo fursad cusub oo u abuurmeysa Suuqa Isgaarsiinta Dalka.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo dul istaagay muhiimadda ay leedahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuurta ayaa tilmaamay in dal uusan horumar samayn karin, haddii aanay muwaadiniintiisu si sax ah u bixin canshuuraha lagu horumarinaayo dalka.
Raysal Wasaare Barre ayaa sheegay in sugidda amniga dalka ay laf-dhabar u tahay isgaarsiintu, sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in Shirkadaha Isgaarsiinta ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee lagu xaqiijinaayo amniga dalka.
Raysal Wasaare Barre ayaa uga mahadceliyey Shirkadaha & Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka dadaalka ay ku bixiyeen hirgelinta adeeggan.




















